Howlgallo Ciidamada Dowladda KGS Iyo AMISOM Ay Ka Sameeyeen Degmada Waajid

0
417

Waajid ( INO)-Isagoo u warramayay Warbaahinta Guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid ee Gobolka Bakool Cadow Cabdiraxmaan Jugle ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgal Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo qeybta ka ah AMISOM ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha degmada Waajid ee Gobolka Bakool isagoona tilmaamay in howlgalladaasi Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen tuulooyin  ay ka arriminayeen Xarakada Al Shabaab oo hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakoo.

Guddoomiye ku xigeenka Waajid Cadow Cabdiraxmaan Jugle ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo maamulka degmada Waajid ay ka wada hadleen sidii lo dar dar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka dagaalanta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxa ay wadeen howlgallo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa lagu xaiqiininayo degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Idale News Online, Waajid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here