DFS Oo shacabka Ugu Baaqday In ay ka Gacansiiyaan Dagaalka Ka Dhanka ah Al Shabaab

0
413

Muqdisho ( INO)-Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Caato oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka garab siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay uga adkaan lahayd Xarakada Al Shabaab oo dagaal ba’an kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Cabdisalaan Caato Afhayeenka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ay abaaruhu ku saameeyeen qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Mr Caato ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaalida dhaqan iyo caado ay u lahayd waligeedba in ay is caawiyaan xilligaana looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka ku dhibaateysan gobollada Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka Xukuumadda ayaa ku soo beegmaya xilli abaaro baahsan ay ka jiraan dalka qeybo badan oo ka mid ah.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here