Daawo:Puntland oo Maxaabiis iyo Hub Ku soo Bandhigtay Garacad, Mudug

0
688

Garacad(INO)- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay soo gaadhey magaalada Jarriiban ee Gobolka mudug ayaa isla shalayba waxa uu u amba baxay magaala xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo dhoweyeen xubno kamid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidanka oo muddadii dagaalku soconeyey ku sugnaa Deegaankaasi.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaadhey deegaanka Garacad ayaa waxa uu kulamo xog waraysi ah oo ku saabsan xaaladda guud ee deegaanka iyo dagaaladii  Alshabaab oo dhowaan la qaatay masuuliyiintii hawl-galka qaybta ka ahayd oo isugu jirey wasiiro iyo Saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Puntland ayaa subaxnimadii saaka waxaa uu kormeero ku tegey goobtii ay kasoo degeen Al-shabaab oo ku taalla xeebta Deegaanka Garacad halkaas oo ay xilligaasi ku sugnaayeen kalluumaysto ku jirey shaqo maaalmeedkoodii caadiga ahaa.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu booqasho dhiiri-gelin iyo hambalyo ku qotonta ugu tegey cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland kuwaas oo dhowaan soo afjaray Hawl-galkii Ay Puntland ugu magacdartay DANAB ee lagula dagaalamay Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Aagaasi ka soo dagay.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawl-galka kaga jirey Aagga Garacad iyo Godob jiiraan ayaa goobta kusoo bandhigay Saanad ciidan oo tiro badan oo isugu jirtey hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka qabsadeen kooxda Alshabaab, sidoo kale waxay soo bandhigeen 46 Maxbuus oo kusoo qabqabteen Hawl-galkii DANAB ee lagu cidhibtiray shabaab ee duullaanka kusoo qaaday goobo kamid ah deeno xeebeedyada Puntland.

Ugu dambaytii, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa shir jaraa’id oo ay ku faah-faahinayaan Hawl-galkii DANAB ku qabtay howgii uu Madaxweyne Gaas ka degganaa magaalada Garacad.

Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay Hawl-galkii ciidanka daraawiishta Puntland ay kaga jireen Aagga Garacad in uu soo gebageboobey isla markaana ay kaga dileen kooxihii soo duuley aagga garacad oo keliya 208, ayna kasoo qabteen 46 Maxbuus, sidoo kale agab Ciidan oo ka kooban 165qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 iyo qalab kakooban walxaha qarxa iyo Agabka loo isticmaali Isgaadhsiinta ciidamada, sidoo kale ciidamada Puntland waxaa kaga Dhintay 20 askari iyo 60 dhaawac ah, Sida Uu sargaalku Sheegay

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidanka daraawiishta Puntland Ragii Ka tirsanaa Alshabaab ee duullanka kusoo qaaday Puntland,

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay dawladdiisu daryeeli doonto agoomihii ay ka tageen ciidamadii ku dhintay hawl-galkii DANAB ee ay ku dagaalameen ciidanka Puntland iyo kuwa Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan  in uu yahay mid xambaarsan mabda’ isla markaana looga baahan yahay ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan.

Sidoo kale maxabiista caruurtu ku jidho ee lagu soo qabtay Hawlgalka ayuu sheegay Madaxweyne Gaas in loo suubinayo daryeel iyo xannaanayn dheeraad ah isla markaana lagu samayn doono hanuunin iyo dhaqan celin ayna ku noolaan doonaan nolol wanaagsan.

SAWIRRO :

IMG_3171IMG_3206IMG_3213 (1)IMG_3213IMG_3292IMG_3295IMG_3297IMG_3299IMG_3301IMG_3303IMG_3305IMG_3306IMG_3307IMG_3312IMG_3314IMG_3316IMG_3318IMG_3347IMG_3361IMG_3380IMG_3385IMG_3386IMG_3387IMG_3390IMG_3392IMG_3393IMG_3394IMG_3396IMG_3405IMG_3406IMG_3407IMG_3409IMG_3206IMG_3214IMG_3239IMG_3240IMG_3242IMG_3246IMG_3252IMG_3271IMG_3272

 

Idale News Online, Garacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here