Baydhabo(INO)- Cabdi Maxamuud Cumar Ileey, madaxweynaha dowlada deegaanka Soomalida Itoobiya “DDSI” ayaa si cad u sheegay iney xirteen biyaha wabiga Shabeele oo marayay gobolo ku yaala koofurta dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Isaga oo ku sugan goob biyo xireen laga sameynayay ayuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in biyo la’aan ay noqdaan Soomaali badan oo ku sugan gobolada koofurta dalka Soomaaliya, biyaha wabiga Shabeelana ay leexsadaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada Godeey iyo agagaarkeeda laga sameeyay afar biyo xireen oo waaweyn kuwaasi oo lagu leeyahay biyaha wabiga Shabeele oo mara Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Ethiopia ayaa bilooyin ka hor isku dayday iney biyo xireen ka sameyso Wabiga Nile, laakiin ma aysan dhicin oo waxaa ka hortagay dowladaha Masar iyo Sudan.
Dowlada Soomaaliya ayaanan wali go’aan cad ka qaadan biyo xireenada afarta gaaraya oo dowlada Ethiopia ay ka sameysay deegaanada Soomaalida Ethiopia.
Idale News Online, Baydhabo