Dhageyso+Sawiro: Ciidamada CBU Ee Dowlada KGS Oo Bilaabey Howgal Adag

0
579

Baydhabo(INO)- Ciidamo Isugu jira Nabad Sugid, Boolis, Militeri iyo Kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay Bilaaween howlgal  adag oo loogu magac daray (CBU) oo laga soo gaabiyay Ciidanka Badbaadada Umada.

 Halkan Ka Dhageyso

Ciidankaas oo u Tababaran sidii loola dagaalami lahaa Jidgooyooyinka, dhaca ,kufsiga iyo Weliba Ciidanka hubka wata oo daareeska Ciidanka aan wadan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlada Koonfur Galbeed Wuxuu Digniin Adag udiray Askarta Lacagaha Ka Qaada Gawaarida Ka Shaqeysa Magaalada Baydhabo Wuxuu Sheegay iney Jiri Doonaan Howlgalo Askartaas Lagu Baacsanayo.

Ibraahim Macalin Kutub, Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaaa sheegay in dhawaan ay billaabi doonaan howlgal ka dhan ah Ciidamada Isbaarooyinka dhigta iyo kuwa u gacan taaga Gaadiidleyda ee ka qaata Lacaga sharci darrada ah.

Waxaa uu sheegay Taliye Kutub,in ay Xabsiga dhigi doonaan Askarigii lagu arko isaga oo Lacag baad ah weydiisanaya gaadiidka Dadweynaha ee ka shaqeeya Baydhaba.

Dhanka kale waxaa uu sheegay taliyaha in ay billaabayaan howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo lagu baabi’inayo Isbaarooyinka yaalla Magaalada Baydhabo ee ay Ciidamada KGS lacagaha uga qaataan Gaadiidka Shacabka.

Ugu dambeyntii, Guddiga Amniga Koofur Galbeed ayaa dhawaan sheegay in ay billabayaan fulinta sharci ka soo baxay iyaga oo ahaa in lala dagaallamo Isbaarooyinka iyo Xarakada Al-shabaab.

Halkan Ka Dhageyso

https://fbcdn-sphotos-d-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xpf1/v/t1.0-9/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xaf1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-h-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xpl1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-e-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xal1/v/t1.0-9/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xlp1/v/t1.0-9/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpa1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-e-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xta1/v/t1.0-9/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpt1/v/t1.0-9/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xpl1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-g-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xaf1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-d-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xpl1/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-f-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xpl1/v/t1.0-9/

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/hphotos-xfa1/v/t1.0-9/

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here