Dhismaha Wado Oo Isku Xirta Xaafado ka mid ah Baydhabo Oo La Soo Gaba Gabeeyay

0
517

Muqdisho(INO)- Mashruuc lagu Dhisayay Waddo isku xirta Xaafado ka mid ah Magaalada Beydhabo oo muddo socday Dismaheeda ayaa maanta la soo gaba Gabeeyay, Iyadoo Mashruucaas ay fulinayaan  Dowladda Jabaan.

Waddadaan oo Dhirirkeedu yahay 6 mitir ayaa horay dhibaato waxaa ugu qabay Dib u dhis la,aanteeda  dadka reer Beydhabo xilliyada Roobabka ay da’ayaan Markaas oo waddadaan ay biyo fariisan jireen taas oo caqabad ku noqotay Isticmaalkeeda dadka iyo Gaadiidka.

Dhismaha Mashruucaan waxaa Fulinayay Hay’ad laga leeyahay dalka Jabaan sida Uu Warbaahinta u sheegay Cabdi Isaaq  oo ah U qeyb samaha hay’adda  ILO ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhismaha wadadaan wax ay dabooli doonaan baahidii waddo oo  ay qabeen Bulshada  ku dhaqan Magaalada Beydhabo gaar ahaan Xaafadda Buula Jadiid.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here