Baydhabo(INO)- War Saxaafadeed Kasoo baxay shir Jaraa’id oo shaley Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ay ku qabteen Waxgaradka Beesha Luwaay.
Shirkaasi oo ay kasoo qeyb galeen siyaasiyin, waxgarad, ganacsato iyo aqonyahano, waxay ku cambaareyenayaan faragilinta Siyaasadeed iyo Eexo Laga Sheegey in uu ku haayo Gudaha Beesha Luwaay, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaden.
Beeshan ayaa waxay Bishii Hore ay Dooratey Malaaq Guud oo lagu caano Shubey Malaaq Mukhtaar Sheekh Aadn Yarow oo metelaya una taagan maslaxadda Beeshan isla markaana Beeshu ay isku racsanyahay.
Halkan Riix Doorashada Malaaq Mukhtaar Sheekh Yarow
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa la Sheegey inuu kasoo horjeestey Doorashada Malaaqan.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu eedayey inuu Doonayo Malaaq Kale isna Dhawaan ay caleemo saarrteen Garab ka mid ah Waxgaradka Beesha Luwaay kaasoo lagu magacaawo Malaaq Ibiyow Caliyow Ibrahim.
Ugu dambeyntii, faragilintan ayaa la sheegey in aaney ahayn markii ugu horeeysey Isla markaana Garabka Beesha Luwaay Ee doortey Malaaq Mukhtaar Sheekh Yarow waxay ku baqeyaan in Madaxweynaha uu u madaxbaneeyo katashiga Ayaaha iyo arimaheda Beesha khaaska u ah.
Halkan Riix Caleemo Saarka Malaaq Ibiyow
Idale News Online, Baydhabo