CCC Sharma’arke “Xilligaan ma haboona in Ciidan AMISOM ka tirsan la geeyo Deegananada Puntland”

0
233

Muqdisho(INO) — RW Somalia oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa ka hadlay dagaallada Al-shabaab iyo maamulka Puntland u dhexeeya, isagoo sheegay inaanay xilligaan habboonayn in ciidammo AMISOM ah la geeyo Puntland.

Sharma’arke, ayaa kasoo laabtay safar uu ku tagay Talyaaniga, halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiinta Talyaaniga oo uu ka mid ahaa RW wadankaas, ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka Somalia iyo Talyaaniga iyo weliba sidii ay gacan uga geysan lahaayeen taageerada Somalia.

“Ciidammo AMISOM ah in la geeyo Puntland, ma ahan mid loo baahan yahay. Ciidamada Puntland ayaa ku filan inay Al-shabaab ka hor-tagaan, anagana gacan ayaa ka geysanaynaa wixii nalooga baahdo, horay Deeqo ayaan ugu dirnay,” ayuu yiri Sharma’arke oo la hadlay warbaahinta dowladdu maamusho.

RW Somalia ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al-shabaab ee gaaray deegaanno ka tirsan Puntland inay yihiin firxad, isagoo xusay inay isku dayayaan inay meelo badan tagaan.

Dhanka kale, Sharma’arke wuxuu xusay in xukuumadda iyo maamullada dalka ka jira ay iska-kaashan doonaan la-dagaalka Al-shabaab, meelaha ay soo galeena si dhaqso ah looga saari doono.

Hadalkan RW Soomaaliya uu maanta ka dhawaajiyay ayaa imaanayaa waqti uu dhawaan madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sheegay in aanay u baahnayn in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Puntland, ayna isaga filan yihiin ururka Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa dhawaan saanado ciidan oo ay ka mid yihiin hub iyo raashin u dirtay maamulka Puntland, si ay ugu adeegsadaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here