Manchester United Oo Etihad Stadium Kusoo Dubatay Dhigeeda Man City, Kulan Rashford Uu Mar Kale Isbaray Jamaahiirta Red Devils

0
722

London(INO)- Manchester United ayaa guul ka gaartay dhigeeda Manchester City kulan ka tirsan Horyaalka Ingiriiska waxaana mar kale jamaahiirta United isbaray Marcus Rashford oo dhaliyay goolka qura oo ay guusha ku heleen.

Guushaan ay gaartay United waxey uga dhigan tahay iney soo yareysay farqigii dhibcaha City waxeyna haatan 50-dhibcood la fadhisaa kaalinta 6-aad ee horyaalka iyadoo City ay kaalinta 4-aad la fadhiso 51-dhibcood.

Bilowgii ciyaarta waxey aheyd mid xamaasad badan iyadoo labada kooxood ay u wada oomanaayeen guul, sidoo kalana Louis Van Gaal ayaa u sheegay ciyaartoydiisa iney dhimaneyso rajadooda UCl hadii aysan guul ka gaarin dariskooda.

Jesus Navas ayaa u dhawaaday inuu gaaro shabaqa Manchester United daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta markii uu dhinac mariyay kubad uu lugta bidix ku tuuray, Silva iyo Sterling ayaana markii hore kasoo shaqeeyay.

Mar kale City ayaa u dhawaatay iney gool hesho daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta markii Navas uu mar kale kubad xoogan oo joog hoose ah uu ku tuuray goolka United, balse David De Gea ayaa lugta kaga saaray.

Cadaadis badan iyo xamaasad kadib Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta 16-aad ee ciyaarta markii Rashford uu si qurux badan uga xariiftamay Demichelis ka hor inta uusan si qurux badan goolhaye Joe Hart u daba marin kubadda.
Demichelis ayaa damcay inuu soo barbareeyo goolka United daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta, balse madaxii uu sameeyay kuma guuleysan.

Yaya Toure ayaa sameeyay isku day fiican oo uu ku doonayo inuu ku barbareeyo goolka United, daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta ayuuna kubad ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa mase u suuragalin.

Dhamaadkii qeybta hore ciyaarta Yaya Toure ayaa lagu riday xerada ganaaxa isagoo damacsan inuu kubad uga faa’ideyo kooxdiisa balse looma dhigin.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1, oo ay hogaanka ku heyso Manchester United, balse markii la isku soo laabtay ayey xamaasadda ciyaarta noqotay mid xiiso badan.

Anthony Martial ayaa sameeyay isku daygii ugu horeeyay United kadib goolkooda, si qurux badan ayuuna goolka u eegtay, balse goolhaye Hart ayaa ka beeniyay daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta.

Isla daqiiqadii Marcus Rashford ayaa kubad sameeyay isku day fiican, balse daafaca ayaa ka diiday kubadii uu goolka aadiyay.

Dhamaadkii ciyaartana Sergio Aguero ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Manchester City markii uu si fiican kubad u quruxsaday, balse xidiga reer Argentina geesta ayey ka martay kubadii uu goolka la damacsanaa.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 oo ay guusha ku raacday Manchester United, waxeyna u aheyd wiilasha Louis Van Gaal guul qiimo leh madama ay kusoo dhawaadeen kaalinta afaraad ee horyaalka iyadoo 8-kulan ay uga dhiman tahay dhamaadka horyaalka Ingiriiska xagaagan.

Idale News Online, London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here