Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay illaa Lix Safiir

0
244

Muqdisho(INO)— Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankooda caadiga ahaa ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaalada abaaraha ee ka jira qaar ka mid ah gobolada dalka, arrimaha amniga iyo ansixinta Safiiro.

 

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiiradda Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, waxaana shirka intiisa badan diirada lagu saaray xaalada abaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa sheegtay inay qaadaneyso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo xaalada abaaraha ee ka jira gobolada dalka, iyadoo shacabka Soomaliyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqday inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Guddi u howlgala sidii gacan loo siin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen, iyadoo guddigaas ay hoggaamin doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha isla markaana ay xubno ka yihiin Wasaaradaha Warfaafinta, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Qorshaynta, Xannaanada Xoolaha, Biyaha, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasiiru-dawlaha Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, Waxaa Golaha Wasiiradu ka hadleen dhaq-dhaqaaqa Ciidan iyo howlgallada Al-shabaab ka wadaan dawlad Gobolleedyada, gaar ahaan Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la cambaareeyey falalkaas Argagixiso.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyey Lix Safiir oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya u soo gudbisay, kuwaas oo kala ah, safiiradan ayaa wali lagu kala qorin dal, balse waxaa dhowaan la filayaa inay ku soo baxaan wareegto uu Madaxweynaha soo saari doono oo lagu magacaabi doono dalalka ay Soomaaliya u matali doonaan.

Safiirada la ansixiyay waxaa ka mid ah C/raxmaan Ducaale Beyle oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Abuukar Cabdi Cusmaan Mardaadi oo horay u soo noqday Wasiir, C/raxmaan Sheekh Ciise oo hada ah La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca amniga, waxaa kaloo Safiiro loo aqoonsaday Cali Shariif Axmed, Fakhrudiin Maxamed iyo Maxamed Xasan Cabdi.

Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa maalmihii u dambeeyay isla waday qorshayaal ku saabsanaa magacaabid Safiiro gaarayay in ka badan 10-Safiiro, inkastoo haatan la soo hormariyay Lix safiir oo aan wali lagu kala qorin dalalkii ay Soomaaliya wakiilka uga noqon doonaan.

Idale News Online, Muqdisho