Waqooyiga Kuuriya oo Mar Kale Riday Gantaalo Balastik Ah

0
348

Soul(INO)— Waqooyiga Kuuriya ayaa mar kale waxay dhinaca badda u riday gantaal rido gaaban ah oo ka sameysan Balastik ah, iyadoo arrintan ay sii kordheyso xiisada labada Kuuriya u dhaxeyso.

Gantaalkan oo gaaraya illaa 500KM ayaa ku dhacay bariga Badda Kuuriya, waxaana arrintan cambaareeyay dowladda Japan.

Waqooyiga Kuuriya ayaa labadii bil ee u dambeeyay waday tijaabinta gantaalada Nukliyeerka, iyadoo Hogaamiyaha dalkaas uu sheegay inay heystaan madaxyada qaada Hubka Nukliyeerka.

Mareykanka iyo Koofur Kuuriya ayaa wada dhoolatus milateri, kaasoo socon doona illaa 18-ka bishan, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan kumanaan askari oo aad loo carbiyay.

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa u sheegay milateriga dalkiisa in mar walba ay isu diyaariyaan ridida hubka nukliyeerka, isagoo u hanjabay Mareykanka iyo Koofur Kuuriya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhowaan cunaqabateyn adag ku soo rogay Waqooyiga Kuuriya, kadib markii uu ku xadgudubay bishii hore heshiiska ka yaalla isticmaalka hubka nukliyeerka.

Idale News Online, Soul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here