Baydhabo (INO)-Ugu yaraan 8 Askari ayaa ku dhaawacantay kadib Qarax Miino oo maanta ka dhacay Inta u dhexeysa Maaya Fuulka iyo Degaankad Daynuunaay Ee duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay Ciidamo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ka tirsan oo marayay duleedka Magaalada Baydhabo.
Tafatiraha Wararka Idalenews.com ayaa arkayey Mid ka mid ah Ambalasyada Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Si Xawle ah u mareyso Xaafadda Cadaadda isla markaana ay sii socotey Maaya Fuulka Baydhabo.
Ugu dambeyntii, Horraantii bishaan ayey ahayd markii 2 qarax oo 40 qof ay ku dhinteen ay ka dhaceen bartamaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Warkan Waxii Ka Soo Kordho kala Soco Wararkeena dambe
Idale News Online, Baydhabo.