Daawo: Shirka Qorshaha Qaran Oo Baydhabo Ka Furmayay

0
206

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa ka furmay shir looga hadlaayo qorshaha qaranka, kaas oo ay wado wasaaradda qorsheynta ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Tan KGS

Qorshan, waxa taagyeeraya Hay’ada UNDP isla markaana waxa Dhaqaalle ku Bixinaya EU, UKAID, NORWAY , SWEDEN Iyo DFID.

Shirkan ayaa waxa furey wasiirk ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Mr. Qaloocow iyo Wasiir Qorsheynta KGS C/ Naasir Caruush.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgali doona wasiirada qorsheynta ee dowlad goboleedyada dalka ka jira kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horey shirkan waxaa ugu qabatay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, iyadoo sida qorshuhu yahayna lagu qaban doono magaalada Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu Dambeyntii, U jeedada shirkan looga hadlayo qorshaha qaran ayaa ah in dhamaan maamulada ka jira dalka wax laga weydiiyo qorshaha qaran si fikirkooda ugu biiriyaan qorshahan ay garwadeynka ka tahay wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here