Dhageyso+ Sawiro: Faah Faahin Go’aano Adag Oo Ka Soo Baxay Shirkii Gollaha Wasiiradda Dowlada KGS

0
222

Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiiradda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta  Shir ku yeeshey Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxa shir gudoominaayey Madaxweynaha Dowlada KGS Shariif Xasan Sheekh Xasan.

Shirkan waxa diirada lagu saarey ka hadalka Xaaladihii ugu dambeeyey Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii  ka dhacdey Maalintii Axadii  Ee Tagdey Magaalada Baydhabo.

Kullanka Gollaha Wasiirada, waxa si aad ah looga cambaarayey Wareerkii lagu laayey Dad aan waxba galabsan Ee dhacey 28,Feb, 2016  isla markaana waxay taagyeereen Go’aanadii ay qaateey Wasaarada Amniga iyo Laamaha Amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aaden Sate oo ka warbxinyey Shirka Ka Dib  ayaa Sheegey in isbedel cusub la sameyn doono, isagoona sheegey in wasaaradiisu ay amar ku bixisey in Gawaariga aan la dhigi karin Meelaha Muhiimka ah, isla markaana Guryaha iyo Garaashyada sidoo kale aan la kireyn karin iyadoona ogeyn wasaaradiisa.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here