Xasan Xanafi oo maanta la soo taagayo Maxkamad

0
300

Muqdisho(INO)— Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwada loo heysto Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto inuu maleegay dilal loo geystay tiro Saxafiyiin ah oo ka howl galayay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka Maxkamadeyntan ayaa noqoneysa tii u horeysay tan iyo markii gacanta lagu soo dhigay dhamaadkii bishii December sanadkii 2014.

Xasan Xanafi ayaa ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Warbaahinta dowladda, kaasoo uu uga hadlayay dilalkii loo geystay Wariyeyaashii Muqdisho ka howl galayay iyo gacantii uu ku lahaa.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Muqdisho ayaa horay u dalbaday in Xasan Xanafi cadaalad la horkeeno, iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay saaxibadood lagu dilay Muqdisho sanadihii u dambeeyay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa la filayaa inay xukun ku ridop, marka ay dhamaato dhageysiga dacwadaas, waxaana inta badan Warbaahinta maxaliga ee Muqdisho ay saaka tabinayeen Maxkamada la soo taagayo Xasan Xanafi.

Idale News Online, Muqdisho