Dhgayeyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Xilkii Ka Qaadey Gudoomiyihii Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
200

Afgooye(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed, ayaa Maanta waxay xil ka qaadis ku sameeysey guddoomiyihii degmada Afgooye C/qani Yuusuf iyo Ku xigeenkiisii dhanka ammaanka.

Halkan Ka Dhageyso

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmahan ay soo taagneyd muran ku aadan Hogaanka Maamulka, taasi oo ugu dambeyn keentay in xil ka qaadis rasmi ah lagu sameeyo guddoomiyihii Afgooye iyo ku xigeenkiisa.

C/qani Yuusuf oo ah guddoomiyihii Afgooye ayaa xaqiijiyay xil ka qaadista lagu sameeyay isaga iyo guddoomiyihii dhanka amniga, wuxuuna sheegay  in C/naasir Macalin Ibrahim  loo magacaabay xilka guddoomiyaha degmada Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye, ayaa waxaa loo magacaabay Mahdi Axmed Xasan oo mar xilkaasi kasoo qabtay isla degmada Afgooye.

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa in muddo la sheegey inay ku qasbaysey C/qani Yuusuf inuu u dhoola-cadeeyo Maleeshiyaad Xiran Dareeska DFS Ee shacabka boobeyo iyo inuu indhaha ka qarsado dhibaatada Iyo Gumeysiga lagu haayo shacabka Degmada Afgooye balse C/qani oo dhowr jeer warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan ka aamusi karin dhibaatada dadkiisa lagu haayo.

Ugu dambeyntii, Sida Idale News Online ay heleyso wararku waxa ay sheegaan in wasaaradda arimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose Ee KGS ay  heshiisyo lagashey Beelaha Hawiye kaasoo ah inay qaataan xubno muhiim ah oo loogu dhex daraayo maamulka gobolka Sh.hoose min heer gobol ilaa heer degmo.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here