Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Baydhabo oo caafimaad dibada loo qaadayo

0
174

Muqdisho(INO)— Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo dibada loogu qaadayo dadka aan waxba looga qaban karin dalka ee ku dhaawacmay qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo shalay gaartay magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Axadii oo ku jira Isbitaalka guud ee magaaladaas.

“Dadaalo dibada loogu qaadayo dadkii dhibaatada soo gaartay ayaa wadnaa, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa codsi u dirnay dowladda Turkiga, howshaasna waa wadnaa, meel fiican ayay inoo mareysaa”ayay tiri Wasiirka Caafimaadka.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ayaa shalay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayay Isbitaalka Baydhabo.

In ka badan 30 ruux ayaa ku geeriyootay, halka lix kalena ku dhaawacmeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Axadii ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here