Baydhabo ( INO)-Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in xaalado dhibaato ay ku sugan yihiin dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Cabdifitaax Xaashi ayaa sheegay in Isbitaalka ay dawadii ka go’day xilli dhaawacyada qaarkood ay xaaladooda tahay mid halis ah.
Sidoo kale Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo ayaa tilmaamay in tirada dadka ku dhintay qaraxyadii shalay ay sii caga cageyneyso 30 qof halka inkabadan 41 kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaa kale uu Agaasimaha shaaca ka qaaday in 15 ka mid ah dhibanayaasha dhaawacyada uu ka soo gaaray weeraradaasi loo soo qaadayo Magaalda Muqdisho.
Shalay ayaa waxaa labo qarax oo mid kood loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo midka kale oo ahaa qof isi soo miidaamiyay waxa uuay ka dhaceen Magaalada Baydhabo.
Idale News Online, Baydhabo