Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed oo Gacanta ku Dhigtay Dadkii soo Abaabulay Qaraxyadii Shalay

0
204

Baydhabo(INO)— Illaa todobo ruux oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay howl gal Ciidamada ammaanka sameeyeen, waxaana la helay halkii laga soo maleegay qaraxyadii shalay.

Wasiirka wasaarada Hub ka dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababaradda maleeshiyaadka KGS Xasan Xuseen Maxamed  ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Koofur Galbeed ay gacanta ku dhigeen raggii soo abaabulay weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada.

“Howl gal Ciidamada sameeyeen waxaa lagu soo qabtay ilala todobo ruux, qaarkood waa qirteen inay falkaas ka dambeeyeen, waxaa la helay goobtii laga soo abaabulay qaraxa, waana Garaash ka mid ah kuwa magaalada ku yaala”ayuu yiri  wasiirka.

Ciidamada Nabadsugida Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ay howl galo tan iyo xalay ka sameynayeen xaafadaha magaalada Baydhabo, waxaana howl galka uu saameeyay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Dhinaca kale waxaa sii korortay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay, waxaana tirada dhimashada ay mareysaa 30-ruux, halka dad ka badan afartan ruux ay ku dhaawacmeen, illaa 18 ruux oo xaaladooda wax looga qaban waayay Isbitaalka Baydhabo ayaa lagu wadaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here