Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ayaa si kuluul ugu Hadley Weerarkii lagu laayey Shacab badan oo aan waxba galabsan kuwaasoo loo adeegsadey Gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyey walxaha Qarxa iyo Qof kale oo naftiis xure ah oo Galey Baar Berder Ee Ex. Baar Isku Aamow Ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyadeeyey dhamaan Dadkii ku geeriyoodey iyo kuwii soo gaarey dhawacyada Isagooona Balanqaadey in Amaanka KG Soomaaliya wax badan laga qaban doono.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku eedayey Xarakada Al-shabab oo dagaal adag kula jirto Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwo nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya in ay ka dambeeyso Xasuuqii Maanta ka dhacey magaaalada Baydhabo, wuxu wacad ku marey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya in si deg deg ah looga saari doona Degaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“ sharwadiyaasha Al-shabaab Ayaa dhibaateynaya Shacaka Soomaaliyeed Gaar ahaan Shacabka KGS , waan u tacsiyadeynaya Dhanaan Eheladii dadkooda wax ka soo gaarey Xasuuqii Maanta Kooxda Nabad diidka Al-shabaab ugu Geysey Baydhabo, kuwii Dhintey Alle ha unaxariisto, Kuwii dhaawacmey Alle ha shaafiyo, waxaan Bulshada Baydhabo ugu baaqaya inay la shaqeeyaan Laamaha Amaanka Ee gobolka ayna soo sheegaan Meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Sharwadiyaasha Al-shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha KGS, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ayaa sheegey in dadka qaba dhwaacyada halista ah loo qaadi doono Muqidisho, hadii Muqdisho wax laga qaban waayona loo qaadi doono wadanka banaankiisa.
Waxa kale uu tilmaamey inay ka wada hadleen agaasimaha Guud iyo Takhaartiita isbitaalka Guud Ee Degmada Baydhabo dhawacyada daran Sidii looga qaadi lahaa Magaalada Muqdisho, isla markaana Maanta dhaawacyo loo qaadi doono Muqdisho.
Madaxweynaah Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu cambaariyey weerarkaas oo lagu Xasuuqey Dad aan waxba Galabsan isla markaana Meel ku Shaah Cabayey ayna ku faraxsanaayeen Horumarka Degmadooda.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqey Bulshada Degmada Baydhabo inay Muujiyaan midnimo isla markaana waxa kale ka dalbadey DFS iyo Beesha Caalamka Sidii loo Ciribtirka Kooxda Mayalka Adag Ee afkaateeda Fogaatey Ee Al-shabaab.
Idale News Online, Baydhabo