Faah Faahino: Dhismashada Weerarkii Baydhabo oo Gaartey 25 Qof Oo Rayid ah, Halka Dhaawacyadana uu Gaarey 46 Ruux.

0
214

Baydhabo(INO)- Inta  la ogyahay 25 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatey in ka badan 46 kalena waxay ku dhaawacmeen ka dib markii labo weerar oo ismiidaan ahaa oo lagu weerarey labo Goobood oo dad badan ay soo fadhiistaan oo ku yaalaan Degmada Baydhabo.

Qarax koowaad ayaa waxa uu ka dhacey Baar Beder Ex. Baar Isku Aamow isku dhiibow Ee kasoo horjeedka shirkada isgaarsiinta Nationlink Ee Afar irdhoodka Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, kaasoo uu fuliyey nin isku soo xirey Jaakada Qaraxda, isla markaana waxa uu halkaas ku diley 8 qof, tiro kale uu ku dhaawacey.

Dad Goobiyaal ah ayaa sheegey  in ninkaas inta uusan is qarxin  ku dhawaaqey “ Allahu Akbar” ka dibka orod  Gudaha ugu galley Baarkaas.

Qarax labaad ayaa waxa uu ka dhacey Ex. Dahabshiili Hore Ee garabka ku  hayso Redo Pharmacy, kaas loo adeegsadey Gaar Hoomey ah oo laga soo buuxeyey walxa qarxa,  Gaarigaasoo dad Goob joogiyaal ah ay u sheeegeen Warbaahinta Idalenews.com in halkaas la soo dhigey 8 saacadood ka hor, kaasoo sababey dhimashada inteeda badan.

In ka badan 38 qof oo dhaawac kala gedisan qaba aya la dhigey  Isbitaalka Weyn Ee Degmada Baydhabo, halka  9 kalena la dhigey Isbitaalka Bayhaawo, oo ku yaallo Xaafaada Mursal.

Dhimashada ayaa laga yaaba inay sii kororto ,maadama ay jiraan dad qaba  dhaawacyo halis ah, iyadoona dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafiimaadka Ay ku dadaalayaan bad baadinta Dhawacyada.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Magaalada Baydhabo,ayaa dhawaanahan waxay  ku riyaaqayeen Horumarka iyo Amniga Magaalada oo soo hagaagayey, waxayna maanta Labadan qarax ay ku abuurtey Welwel iyo Murugo.

Ugu dambeyntii, Kooxda Al-shabaab Ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa inta badan waxay weeraro noocan ah ka fulisa Magaalooyinka waa weyn ee Dalka, DFS iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa Sheegeen in kooxdan ay ka soo horjeedo Horumarka, Deganaanshaha iyo Geeda Socodka Nabada Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here