Jabuti(INO)—Kulan loogaga hadlayo howlgalka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya jooga ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah ugaga furmay caasimada dalka Jabuuti.
Halkan Ka Dhageyso
Wasiirada gaashaandhigga wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ka wadahadlayaan sidii loo xoojin lahaa howlaha AMISOM ee dalka Soomaaliya.
Kulankan oo uu shir gudoominayo Wasiirka Difaaca Jabuuti Xasan Dharaar Hufane, waxaana qayb ka ah shirkan Urur-goboleedka ayaa wadahadaladooda lagu soo qaadi doonaa doorka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo sida ciidamada Soomaaliya loo qaabeyn lahaa.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiin kale oo ka socota dalka Soomaaliya maadaama ujeedka shirka uu yahay in laga hadlo arrimaha dalka Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka badan labaatan kun oo askari kuwaasoo ka socda wadamada Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Kenya iyadoo ciidamadaas ay dagaal kula jiraan ururka Alshabaab oo welimaamula qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Jabuti