Dhageyso:Faah Faahin:- Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

0
187

Muqdisho(INO)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarahada dagaalka ee dalka Kenya ay ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Gedo kuwaasi oo khasaare nafeed geystay.

Audio Player

Deegaannada ay diyaaradahan duqeeyeen ayaa ku dhaw Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ugu yaraan 2 qof halkaasi ay ku geeriyootay.

Qof ku sugan mid ka mid ah deegaannada duqeyntaan laga geystay ayaa u sheegay Idale News in mar qura ay ka war heleen diyaarado joog hoose ku socda oo madaafiic kusoo garaacaya.

“Annaga masjidka ayaan kasoo baxnay, diyaarad baa meel hoose noo timid, waxay soo tuurtay 2 gantaal oo bartamaha meel suuq ah ku dhacay, wey na gudubtay hadane wey nagu soo laabatay oo isla sidii ay mar kale Laba gantaal nagu soo ridday” ayuu yiri goobjoogahan.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa sidaan oo kale u duqeeyay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare naf iyo maal isugu jira.

Idale News Online

News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here