Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in 180 askari looga dilay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, weerarkii bishii la soo dhaafay Al-Shabaab ku qaaday xero ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.
Dowladda Kenya ayaa wali si rasmi ah u shaacin tirada askarta looga dilay weerarkii lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen ciidankooda koofurta Soomaaliya 15-kii bishii hore ee Janaayo.
Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ku dishay in ka badan 100-askari oo Kenyan ah, ayna ku furatay gaadiid iyo hub.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa xaqiijiyay in dhimashada askarta Kenya ay gaartay 180 askari.
“Markii 180 ama 200 askari ee naloo soo diray in hal maalin la dilo, ma ahan wax fudud”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo waresi siiyay Telefishinka Somali Cable, isagoo ku sugan Istanbul.
Madaxweynaha ayaa difaacay ka qeyb galkiisa munaasabadii baroor-diiqda aheyd ee loo sameeyay askartii Kenya looga dilay Soomaaliya.
Bulshada Soomaalida ayaa qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada, waxay Madaxweynaha ku dhaliileen ka qeyb galkiisa baroor-diiqda iyo inuu u muujiyay garab istaag in Kenya ay xasuuqdo shacab Soomaaliyeed.
“Askartan waxaa Soomaaliya loogu soo diray, inay na caawiyaan, ayna ka qeyb qaataan soo celinta nabada dalkeena, qoysaskooda waxay muujiyeen inay u dhinteen iyagoo waajibaadkooda gudanaya”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadii si dhab ah loo xaqiijiyo dhimashada 180 askari ayaa waxay noqoneysaa tii ugu khasaaraha badneyd ee soo gaara AMISOM, kadib muddo 10-sano ah oo ka soo wareegatay markii howl galkooda ka bilaabeen Soomaaliya sanadkii 2007.
Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo oo la hadlay Wargeyska Daily Star ee dalka Kenya ayaa beeniyay hadalka Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay mid aan sax aheyn.
“Waxay u muuqataa in Madaxweynaha Soomaaliya u hadlayo Al-Shabaab, ma ahan tiradan mid sax ah ama kuwo si sax loo soo xigtay”ayuu yiri Col. David Obonyo.
Kenya ayaa illaa 4,000 askari u dirtay Soomaaliya, waxayna qeyb ka yihiin 22,kun askari ka socda Midowga Afrika, kuwaasoo dagaal kula jira Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.
Idale News Online, Muqdisho