Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in si guul uu ku soo dhamaaday shirkii Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, isagoo faah faahin ka bixiyay qodobada la isla gartay ee shirka ka soo baxay.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay laga hadlay marxalada Soomaaliya ay taagan tahay, horumarka la gaaray, iyo doorashooyinka soo socda, isagoo xusay in 54 dowladood iyo hey’ado caalami ah.
“Waxaa laga hadlay sidii Soomaaliya loo caawimi lahaa mudada dheer ee soo socoto 2020-2025, waxyaabaha lagu haminayo in dalka gaaro, waa rajeynayaa marka dalka ku noqdo howsha la wado, shirkan waa kii ugu dambeeyay ee la qabanayay inta aan doorasho la gelin, muhiim ayuu ahaa, in la isla gartay howsha taala sida loo wada qabanayo iyo Soomaaliya marka ay ka gudubto 2016 gacanta ay u baahan tahay dowladda imaan doonto”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sanadka 2020 uu qorshuhu yahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha lagu haminayo in dalka uu gaaro sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in bisha April ee soo socota la qaban doono shir looga hadlayo arrimaha Dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galayaan dowladda iyo Maamul goboleedyada, isagoo xusay in qorshuhu yahay in waxyaabaha siyaasada ee muhiimka ah, dalkana lagu dhaqaajinayo la dhameystiro.
Mar uu ka hadlayay baaqashadii Madaxweynaha Puntland ee Shirka Istanbul ayaa xusay inuu ka cudur daartay inuu shirka tago, balse ay rajeynayaan in Puntland loo tago, lana qanciyo isla markaana ay timaado muwaafaqo sida uu yiri.
Shirka Istanbul oo socday labo maalmood ayaa laga hadlay arrimaha Amniga, Siyaasada, ganacsiga, dhalinyarada, haweenka iyo arrimo kale, waxaana dowladda Turkiga oo marti gelineysay shirka ay balan qaaday inay sii wadeyso taageerada ay siineyso Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho