Wasaaradda Shaqada oo u digtay shirkado dadka lacago uga qaadaya inay Sacuudiga shaqo u geynayaan

0
261

Muqdisho(INO)— Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shirkado ku qaraabanaya magaca Wasaaradda, kuwaasoo dadka lacago uga qaadaya inay Sacuudiga shaqo u geynayaan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay inay ka war heleen shirkado xafiisyo furtay oo si been abuur ah dadka lacago ugu qaadaya, si shaqo loogu geeyo Sacuudiga.

“Maalmahan waxaa magaalada ka socdo dad xafiisyo furtay oo ay leeyihiin dad baa Sacuudiga shaqo u geyneynaa, dadkana lacago ka aruursanaya, Wasaaradda Shaqada waxba kalama socoto arrintaas, waa been abuur, cidii lacag iska bixisa ayadaa iska bixisay”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa uu sheegay in dadka Sacuudiga loo qaadayo ee shaqa ahaan loo geynayo ay marayaan nidaam iyo sharci, balse aanay shuruuda aheyn inay lacago bixiyaan sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkaas waa tuugo, waxaa leeyahay tuugada wax ha iska siinina, dadka Soomaaliyeed ee shaqa doonka ahna yaan la marin habaabin, maxaa yeelay Shirkadihii soo codsaday shaqaalaha waxay inoo sheegeen in aanay waxba ka ogeyn oo aana cidna u wakiilan, arrintan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa u xilsaaran”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cusmaan Libaax Ibraahim.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay ku wargeliyeen Shirkadaha Sacuudiga ee soo dalbaday shaqaalaha, balse ay u sheegeen in aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay shirkado u wakiilan arrintaas.

“Dadka la qaadayo waxay isugu jiraan rag iyo dumar oo buuxiya shuruudaha u degsan wasaaradda, maamul goboleedyada, iyo maamulka gobolka ayaa loo qeybinayaa shaqaalaha Sacuudiga loo qaadayo, waxaana ciddii buuxisa sharuudahan ay xaq u yeelan doonto in loo qaado dalka Booqrtooyada Sacuudiga” ayuu hadalkiisa ku daray Cusmaan Libaax.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horay ugu dhawaaqay in Shaqaale Soomaaliyeed shaqo abuur u sameyneyso, isla markaana dalkeeda la keenayo, iyadoo uu jiro heshiis dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxaya in lacag u dhaxeysa $750 illaa $1,000 laga qaadayo dad la sheegay in shaqo ahaan loo geynayo Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, iyadoo arrintan si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here