Washington(INO)-Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali ayaa xalay gaaray caasimada Mareykanka ee Washington DC.
Md. Gaas oo shalay ka amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sababaha uu u aaday Mareykanka lagu sheegay arrimo khaas u ah isaga.
Ilo wareedyo ku sugan gobolka Virginia oo uu xalay ku hoymaya madaxweyne Cabdiwali ayaa u sheegay Jowhar.com inuu u tagay Mareykanka arrimo isugu jira kuwa khaas ah iyo kuwo ku saabsan Soomaaliya.
Socdaalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aaday xilli uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka socdo shir caalami ah oo loogaga hadlayo Soomaaliya, kaasoo Cabdiwali shakhsi ahaan loogu casuumay hase yeeshee uu ka baaqday.
Waa marki ugu horreeysay oo uu dib ugu laabto dalka Mareykanka tan iyo sanadki 2013-ki markaas oo uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisii doorashadi Puntland ee uu marki danbe isaga ku guuleystay.
Idale News Online, Washington