Washington(INO)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa u gudbiyeey Golaha Kongareeska qorshe lagu xirayo xabsiga Guantanamo Bay oo ah meel uu Mareykanka u ku hayo maxaabiista loo heysto argagixisnimada.
Halkan Ka Dhageyso
Qorshahan oo ah mid ka mid ah balanqaadki madaxweyne Obama hase yeeshee aanu wali fulin, ayuu ku doonayaa inuu kaga soo saaro xabsigaasi ilaa iyo 91 maxbuus, kuwaas oo loo dirayo dalalka ay kasoo jeedaan ama loo wareejiyo xabsiyada iyo xarumaha milatariga gudaha Mareykanka.
Hase yeeshee Kongareeska Mareykanka ayaa si weyn u diidan in dad ku eedeysan falal aragagixiso loo soo wareejiyo carriga Mareykanka, waxaana si cad ay u sheegeen in qorshahaasi ay hor istaagi doonaan.
Qarashka ku baxa xabsigan ayaa sanadkiiba gaaraya ilaa $445m . Xeritaankiisa waxa uu qeyb ka ahaa balanqaadki Obama ee sanadki 2009.
Xabsigan oo ku yaala dalka Cuba ayaa waxaa sharciyadiisa iyo xaaladahiisa nololeed aad uga qeyliyey kooxaha xuquuqda aadanaha. Waxaa lagu xiray 780 maxbuus tan iyo sanadki 2002.
Idale News Online, WASHINGTON