Garowe(INO)- Madaxweynaha maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab isagoo ku baaqay C/Wali Gaas in dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab siyaasad lagu soo daro.
Halkan Ka Dhageyso
Waxa uu sheegay howlgalka lagula dagaalamayo kilinka militariga balse meesha ay ka maqantahay in Al-habaab lagula dagaalamo arimo siyaasadeed.
Waxa uu dhanka kale tilmaamay in deegaanada Puntland ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana ciidamada maamulka Puntland kaligoodna halkaas ay kula dagaalamaan iyaga oo aan iskaashi ka heleynin ciidamada Midowga Africe ee Soomaaliya ku sugan.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas Waxa uu tilmaamay AL-shabaab inaan kaliya lagaga adkaan karin kaliya dagaal militari oo lagu qaado balse ay muhiim tahay in lawada xasuusnaado oo dagaalkana lagu soo daro siyaasad lagu kala dilo ururka Al-Shabaab.
Hadalkan ayuu ka sheegay C/Wali Maxamed Cali Gaas magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia xilli uu ku sugnaa kadib wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee Ethiopia.
Idale News Online, Garowe