Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasoo dhowaan uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Goloyaasha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya.
Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda (dhaqidda lacagaha been abuur ah ee doolarka) iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.
Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah
- In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta, haddii uu shaki yimaado.
- In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo
- In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo
- In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha
Bankiga dhexe waxa uu wadayaa dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo lana xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyay sharcigan, kadib markii ay ka doodeen Xildhibaanada, waxaana sharcigan uu ka mid noqonayaa sharciyadii u dambeeyay ee uu Madaxweynuhu saxiixo, markii Baarlamaanka uu soo ansixiyay.
Idale News Online, Muqdisho