Istanbul(INO) — Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo ayaa Maanta Gaarey Magaalada Istabul Ee dalka Turkiga, isagoo, halkaasoo maalinta Beri ka furmaayo shir ay isugu imanayaan madaxda dalka iyo Wakiilo ka socoda Beesha Caalamka.
Shirkan oo heer sarre ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasada & amaanka Soomaaliya ayaa berri oo Talaado ah ka furmi doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo ay ka qeybgali doonaan inta badan Madaxda dawladdaha Soomaaliya & Wakiilada Beesha Caalamka.
Dawladdaha lacagtooda ku bixiya mashaariicda Soomaaliya ayaa sidaas oo kale madasha tagi doona, waxaana maalinta hore laga hadli doonaan horumarka dhinaca Kabayaasha dhaqaalaha & sida looga faa’iideystay mashaariicda New deal-ka, iyadoo maalinta ugu dambeysa looga hadli doono arrimaha ku saleysan dhinaca Siyaasada iyo Amniga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Dhigiisa dalkaas Turkiga ayaa si wada jir ah u furi doona shirkan, waxaana uu noqonayaa kii ugu dambeeyey ee dhexmara dawladda Soomaaliyada ee hadda jirta iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo heerkan oo kale ah.
Ugu damebyntii, Shirkan ayaa lixdii biloodba mar la qabtaa, waxaana hadda uu ku soo beegmay xili xasaasi ah oo Beesha Caalamka & Dawladda Faderaalku ay isku raaceen nooca doorasho ee ka dhacaysa Soomaaliya, inkastoo ay diiday Puntland.
Idale News Online, Istanbul, Turkiye