Daawo:Munaasabada lagu xusayay Maalinta Afka Hooyo oo Muqdisho lagu qabtay

0
215

Muqdisho(INO)— Munaasabad lagu xusayay Maalinta Afka Hooyo oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo Munaasabadan uu ka qeyb galay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir) oo Munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa ugu Hambalyeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed maalinta qiimaha badan ee Afka Hooyo, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee dalka ay diyaar u yihiin xoojinta Af Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo muhimadda afka hooyo u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

“Afka Soomaaligu wuxuu xambaarsan yahay taariikh, dhaqan iyo hidde ay ummadu ku faani karto, ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto dalalka dunida ee horey u marey, midkoodna heer kuma gaarin luqad shisheeye, waa inaan ku faanaa afkeena, xiriirkeenuna uu noqdaa Af Soomaali”ayuu yiri Ku-simaha R/Wasaaraha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay xoojin doonaan u hiilinta Afka Hooyo, isla markaana dhowaan Xafiiska Wasaaraddaha lagu qori doono boorarka Afsoomaali.

Maanta oo ah Bisha February 21, 2016, ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga xusay maalinta Afka hooyo, waxana munaasabadda maanta hal-ku dhig u ahayd (U HIILI AFKA HOOYO), iyadoo luuqadda Afka Soomaaliga waqtigii la qorey ay ahayd 1972.

afka-hoyo (1)afka-hoyo (2)afka-hoyo (3)afka-hoyo (4)afka-hoyo (5)afka-hoyo (6)

 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here