Daawo: Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Daraawiishta KGS Oo Tababar Looga Soo Xirey Degmada Waajid

0
223

Waajid(INO)- Kusimaha madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed ahna wasiirka hubka dhigiska dhaqan celinta iyo tababarida maleeshiyaadka Koonfur galbeed Iyo Wefdi Balaaran Uu Hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Waajid ee gobalka Bakool Halkaasi Oo Si Diiran Ay Ugu Soo Dhoweyeen Bulshada Qeybaheeda kala duwan waxaana Wefdigiisa Qeyb Ka ah Saraakiil Ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo Xildhibano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ciidanka KGS

Markii Ay gaareen Magaalada Waajid kadib waxaa Loo Galbiyey Duleedka Magaalada Waajid Halkasi Oo Tababar uu ugusoo xiray wasiirka Cutubyo Ka Tiran Ciidanka Koonfur Galbeed Oo Mudo saddex bilood tababar ugu Socdey Magaalada Waajid Oo Tiradooduna Ay Gaareyso Ku dhawaad 320 Askari.

Munaasabada Tababarka Loogu Soo Xirayey Askarta Daraawiishta Koonfur Galbeed Ee Degmada Waajid Iyo Qeybinta Dareeskoodi Kadib Waxaa Saxaafada La hadley Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Bakool Maxamed Cabdi Tool Isagoona Sheegey  In Ciidankaan Habeen Iyo Maalinba Loogu Baahanyahay In Ay U Shaqeeyaan Shacabka Gobalkani gaar ahaan degmada Waajid.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Caracase ayaa Sidoo Kale Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka dardaaran goobtaasi ugu Jeediyey.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn Ka hadley Munaasabada Ciidanka tababarka Loogu Soo gabagabeynayey Isagoona Ciidankaan Maanta Loo Qeybiyey dareeskooda Iyo Hubkoodi Kula dardaarmey in Ay Deegaanada Gobalka Bakool Ka Sifeeyaan Ururka Alshabaab Iyo Sidoo Kale In Wadooyinka degmada Waajid Soo Gala Ay Isku Furaan.

Ugu dambeyntii, Xiritaanka Tababarka Ciidanka Koonfur Galbeed Ee Degmada Waajid waxaa Uu Kusoo beegmayaa Xilli Mudooyinka Soo Socda La Wado qorshe dib Loogu Furaayo Dhamaan Wadooyinka Soo gala Magaalada Waajid Ee Gobalka Bakool.

Idale News Online, Waajid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here