Toronto(INO)- Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Canada ayaa sheegay iney kaalin weyn ka qaadan doonaan horumarinta siyaasada Soomaaliya iyo qorshaha doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.
Isaga oo ku sugan dalka Germany ayuu sheegay Stephane Dion, wasiirka arimaha dibada Canada inuu tagayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si uu kaga qeyb galo shirka madasha heerka sare ee Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya dalka Turkiga.
Shirkaasi ayaa ah mid lagu taageerayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, sida qorshaha uu yahayna waxaa looga arinsanayaa arimaha doorashooyinka dhamaadka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada Canada Mr Dion, ayaa la filayaa inuu la kulmo wasiirada arimaha dibadda dalal badan oo Africa ku yaala iyo bariga dhexe si uu kala hadlo xaalada dalka Soomaaliya, iyo isku diraarinta qabashada doorashada sanadkaan 2016 ka dhaceyso Soomaaliya.
Dhamaadkii bishii Janaayo dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay qaabka doorashada ay noqoneyso sanadkaan, balse waxaa ka hor yimid maamulka Puntland oo ilaa iyo haatan aan taageerin go’aanka doorashada ee sanadkan.
Qoraal kasoo baxay dowlada Canada ayaa lagu sheegay in wasiirkooda arimaha dibada uu ka qeyb gali doono shirka heerka wasiirka , dowlada Canada ay ka go’an tahay taageerada iyo dadaalka caalamka uu ugu jiro helitaanka Soomaaliya oo nabad ah.
Idale News Online, Toronto