Muqdisho(INO)- Waxaa shaki badan laga muujinayaa natiijooyinka laga dhexli doono shirka la filaayo in dhawaan uu ka dhaco dalka Turkiga kaasi oo ay isku arki doonaan Madaxda Dowlada Somalia, Maamulada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.
Shirka oo ay marti galineyso Dowlada Turkiga ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Hiigsiga Somalia ee 2016, waxaana kamid ahaan doona shirkaasi waxyaabaha looga hadlaayo natiijooyinkii dhawaan kasoo baxay shirka wadatashiga ee kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.
Shirkaani oo xoogiisa looga arrinsan doono nooca doorahso ee Somalia, ayaa waxa uu shakigu yahay mid ka taagan sida ay ku heshiin doonaan Madaxad Dowlada iyo kuwa Gobolada oo u kala jaban ilaa 4 garab oo kala ah Dowlada Somalia oo hal mowqif leh, Galmudug iyo Koonfur galbeed oo ku mowqif ah DFS, Jubbaland, Puntland oo isku mowqif ah iyo Maamulka Somaliland oo dhinac ah.
Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan magaalada Addis ababa ayaa loogu yeeray arrimo la xariira in Puntland lagala hadlo diidmadeeda ku aadan 4.5, waxanaa la ogayan halka Puntland ay ka istaagi doonto soo jeedinta Itoobiya oo la bidayay inay Puntland ka keento ogolaanshaha go’aankii Muqdisho.
Dowlada Itoobiya ayaa dooneysa in Puntland ay iyana ku raali galiso nidaamka 4.5, islamarkaana shirka ka furmi doona Dalka Turkiga aysan ka mowqif duwanaan Dowlada iyo maamulada kale ee taagersan 4.5.
Warar hoose waxa ay sheegayaan in Jubbaland iyo Puntland ay ku heshiiyeen in hal mowqif ay istaagan goorta ay xaadiraan shirka ka furmaayo dalka Turkiga, waxa ayna isla garteen in Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka ay uga aargoosan karaan shirka Turkiga.
Beesha Caalamka ayaa shirka Turkiga ka hor lagu wadaa inay sii laba jibaaran kulamada ay ku raadinayaan xalka mideysan, waxaana suuragal ah in xal raadinta Beesha Caalamka ay kusoo biiri doonaan Dowlado kale oo daris la ah Somalia, si xal mideysan loo gaaro shirka Turkiga ka hor oo la doonaayo in mowqifka lagu midoobi doono uu noqon doono 4.5.
Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in Wakiilada Beesha Caalamka ay gaaran magaalada Hargeysa si Maamulka Somaliland ay marka hore ugu qanciyaan inay ka qeybqaatan Shirka Turkiga uga furmi doono Dowlada iyo maamulada dalka.
Ugu dambeyntii, Somaliland ayaa xili waliba ku goodisa inay ka go’day Somalia, hadana waxa ay xaadirtaa kulamada ka dhaca dalka dibadiisa, iyadoo aan la ogeyn waxa uu mowqifka Somaliland noqon doono wareegaani.
Idale News Online, Muqdisho