Al-Shabaab oo beenisay in diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyn ku dileen Mahad Karatey

0
202

Muqdisho(INO)— Xarakada Al-Shabaab ayaa war goor dhow ay soo saartay ku beenisay hadal ka soo yeeray dowladda Kenya, kaasoo ahaa in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka geysteen koofurta Soomaaliya ku dileen Madaxa Sirdoonka Al-Shabaab Mahad Karatey iyo saraakiil kale.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Kenya, isagoo ku tilmaamay mid ay ugu laab-qaboojinayaan bulshadooda, gaar ahaan khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Ceel Cadde.

“Waa waxba kama jiraan hadalka ka soo yeeray Kenya, mana jiro Mas’uul ama Sarkaal ka tirsan Al-Shabab oo ay dileen, warkaas wuxuu u muuqdaa inuu yahay mid lagu laab-qaboojinayo shacabkooda xasuuqii ciidamadooda loogu geystay Weerarkii Ceel Cadde”ayuu yiri Abuu Muscab

Abuu Muscab ayaa sheegay inuu is burinayo hadalada ka soo yeeray dowladda Kenya, isagoo xusay in aanu jirin wax duqeyn ah oo dhacay, isla markaana uu yahay wararkaas mid aan sal iyo raad toona laheyn.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda dagaalka geysteen 8-Febraayo lagu dilay Mahad Karatay iyo 10-Sarkaal oo kale.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here