Cadaado(INO)- Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa weli wada dadaal xooggan oo ay maamul goboleedyada Somalia ka jira kaga dhaadhicinayaan sidii loo hirgelin lahaa go’aankii ay soo jeedisay dowladda Somalia ee ku saabsanaa habka doorashada 2016.
Go’aankaas oo ahaa in doorashada lagu saleeyo 4.5 iyo hab deegaan oo isku dhaf ah ayaa beesha caalamka ay taageertay.
Xubanaha beesha caalamka ee dadaalkan ku lugta leh oo uu horkacayo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Michael Keating, oo horey u tagay Puntland, Kismaayo iyo Baydhaba ayaa soo gaadhay Magaalada Cadaado.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Cadaado