Washington(INO)-Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa beenisay Warar sheegaya in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay tuhunsan yihiin in Mareykanka uu lee yahay taasi oo Al-shabaab ay sheegeen iney ku dhacday gobolka Gedo ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.
Baraha internet-ka ee Al-shabaab ayaa shalay baahiyay warbixin sheegeysa in Al-shabaab qabsadeen diyaarad Drone ah oo ay ku xirnaayeen lix gantaal, kadib markii ay kusoo dhacday deegaan 70 u jira degmada Baardheere.
Diyaarada ayaa Al-shabaab waxay sheegeen iney ku dhacday buuraha loo yaqaan Shan Dacaar oo ku taala duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, sida qoraalka lagu daabacay baraha internet-ka Alshabaab lagu sheegay.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka waxa uu sheegay in dhammaan diyaaradaha saldhigga Mareykanka ee AFRICOM la tiriyey, oo aysan jirin wax tilmaamaya in diyaaradda Al-Shabaab ay sheegeyso ay tahay mid Mareykanka uu lee yahay.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, hase yeeshee diyaardaaha dagalaka Mareykanka ayaa weeraro ka dhan ah madaxda Al-Shabaab ka fuliyey Koonfurta Soomaaliya, sanadihii dhowaa.
Idale News Online, Washington