Dhageyso+ Sawiro: Faah Faahin Nuxurka Ujeedada Safarka Ergiga QM Ee Soomaaliy Uu U Yimid Magaalada Baydhabo

0
404

Baydhabo(INO)- Waxaa Shaley Magaalada Baydhabo gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacaayo Amb. Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya.

Wakiilka iyo wafdigiisa oo barqanimadii ka soo dhoofay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Baydhabo, iyadoona daqiiqado ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Wafdiga Wakiilka, ayaa waxaa Madaxtooyada Baydhabo ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinacyadan, ayaa waxay shir xasaasi ku dhexmarey Madaxtooyada, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin ammaanka, hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, doorashada sanadkan lagu wado inay ka qabsoomto dalka iyo saami qaybsiga Aqalka Sare Baarlamaanka, oo Dowlada Koonfur Galbeed uu saluugsan yahay.

Wafdiga Michael Keating, ayaa waxay sidoo kale la kulmay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Aqoonyahanada iyo qaybaha kale ee bulsahda, si ay kaga dhageystaan aragtidooda la xiriirta doorashada sanadkan 2016-ka ka dhaceysa Somaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Ugu dambeynti, Waa booqashadii ugu horeysay oo Mr. Keating uu ku taggo Magaaladaasi Baydhabo, tan iyo markii uu xilka kala wareegay Nicholas Kay, dhamaadkii bishii December.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here