Dhageyso:Madaxweyne Shariif Xasan oo Baaq u jeediyay Dhalinyaradda Al-shabaab ka tirsan

0
202

Baydhabo(INO)- Shariif Xasan Sheikh Aadan, madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed ayaa baaq u diray dhalinyarada Al-shabaab ka tirsan,baaqaasi oo ay iney kasoo baxaan Al-shabaab ayna ku biiraan maamulkiisa.

Madaxweynaha, wuxuu sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweyn u sameynayo dhalinyarada Al-shabaab ka tirsan ee deegaanada Koofur Galbeed kasoo jeedda haddii ay isku dhiibayaan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada u baahan yihiin xiligan iney waxbartaan oo ay helaan nolol wanaagsan, balse aysan aheyn iney wali hubka sii wataan, sida uu sheegay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

“Dhalinyarada la qaldan waxaan leeyahay waxa aad ku jirtaa wax fiican maaha kasoo laabta, waa la idiin cafinayaa dowlada Soomaaliya iyo caalamka cafis weydiisa waana la idiin ogol yahay in la idiin cafiyo”ayuu yiri Shariif Xasan.

Marar badan ayaa madaxda dowlada Soomaaliya waxay dhalinyarada ka tirsan Alshabaab u qabteen maalmo cafis ah, iyadoo qaarkood lasoo bandhigay iyaga oo la sheegay iney dowlada isku soo dhiibeen.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here