Baydhabo(INO)- Waxaa shaley magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay lagu qabtay Tartan orod oo lagu tartamayey fogaan dhan 5.1 Kilometer. Waxaa ka qayb galay tartankan 148 qof oo dhinacyada tartamaayey ah.
Ujeedada tartanka ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinaayo xiriirka ka dhexeeyo Saraakiisha Dowlada Konfur Galbeed Soomaaliya (ISWA), Howlgalka AMISOM iyo xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Somalia (UNSOM).
Idale News Online, Baydhabo