Wefdi Uu Hogaaminaayo Ergiga Gaarka Ah QM Ee Somalia Oo Ku Soo Wajahan Baydhabo

0
194

Baydhabo(INO)- Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi gaarayaan sida la qorsheeyey wefdi ka socda Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Kulan ay la qaadan doona  Madaxda KG Soomaaliya oo socon doona muddo Saacado ah ayaa waxaa diirada lagu saari doona go’aankii Dowlada Federaalka Soomaaliya kasoo saartey qaabka doorasho ee Soomaaliya iyo aqal sare loo qiibiyey taas oo uu KG Soomaaliya diidey,iyagoo sheegay inaysan marna aqbaleynin  xubnaha Ku Soo aadey KGS oo ay ku eedeeyeen inay dowladda soomaaliya kaligeed go’aamisay.

Sida warku sheegayo xubnaha Beesha caalamka ayaa kulamo la qaadan doonaan Golayaasha KGS , siyasiyiinta, Bulshada rayidka ah iyo oday dhaqameedka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay uga dhaadhiciyaan in KGS tageerto Xubaha Loo qoodeyey Ee Aqalka sare.

Warkan waxii ka soo kordha kala Soco Wararkeeyaga Dambe

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here