Aqriso+Sawiro: Waxbixin Ku Saabsan Xaalada Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool

0
305

Waajid(INO)- Magaalada Waajid Ee Gobolka Bakool  waa magaalo kutaala koonfurta galbee Soomaaliya shagaashan kilomitir dhanka waqooyigalbeed kaga beegan magaalada caasimada KG ee Baydhabo.

Waxayna bed ahaan kufadhidaa 10 kilomitir iskuwereeg ah xiligan lajoogana heerkulkeeda waxaa laguqayaasa 26-30 Digree nolisheeduna waxaa ay kutiirsantahay dhanka xoolaha balse xiligan lajoogo dhanka nolasho waa mid aad uliidato maadaama mudo sadexsano go doon kujirto  waana magaalo haatan amaankeedu gacanta kuhayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa soomaalida in kastoo hadana ciidamadu amaan sugidoodu aanu dhaafsiisaneyn gudaha magaalada.

Ciidamada soomaalida kusugan degmada waajid ma haystaan hud kufilan iyo gadiid waxayna gaadiid ahaan u cisticmaalaan Mootooyin sadex lugoodleyda.

Gaashaanle sare Cabdi Maxamed Dile wuxuu kawaramayaa  waxa hortaagan in ciidamadu wadooyinkiskufuraan,Xirnaanshaha wadooyinka soogala degmada wajid waxa uu sabaday in uu istaago ganacsiga magaalada goobaha ganacsigana  si iskood ah ayey albaabada  ulaabmeen markiilawaayey waxlagu iibiyo.

Waxaana meelaha qaar ku arkeysaa haween  miisas yer yer wax ku iibinaya waxan lakulmay hooyo haysata sided caruur ah  oo aabahood dhintay waxaan qiime lahayn miis usaaranyihiin  waxayna kashekeyneysaa nolosha ayada iyo caruurteeda .

Halkan waameel  lagudaaweeyo hooyada iyo dhalaanka  xiligaan booqanaayey waxaa kudhiig baxaayey Gabar  uur afarbiloodleh oo kamid ah dadka  maalintii xataa halmar cuno helikarin Drs Aamina ayaa  kasheekeyneysa  waxa xiligaas goobtan caafimad kadhacayey.

Cabdi cabdiraxmaan waa gudoomiye kuxigeenka degmada dhanka amaanka.Maxamed Aadan  waxa uu  kamid yahay dadka caafimaadka qaabishan  waaana kormeere caafimaad waxa uu kawar bixinayaa waxa uu degmadan ku arkay.

Degmadan waajid sanado kahow waxay ahayd meel xaruun u ah  hay adaha samafalka  buldhada kunoolna soomartay nolol wanaagsan Balse xiligaan lajoogo dadka kunool waxay kunool yihiin nolol bini aadan tan ugu liidata waxayna u baahanyihiin gergaa caalimi ah.

 

 

Wariye  Abshir Mohamed Nor (Mandela), Idale News Online, Waajid

Email:  Somalipresstv2@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here