Daawo Sawirada 44 ruux oo Booliis iyo Rayid isugu jira oo ku waxyeeloobay Rabshado ka dhacay Hong Kong

0
212

Hongkong(INO)- 44 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo Boolis ayaa dhaawac uu ka soo garay rabshado ka dhacay degmada Mong Kok ee dalka Hong Kong intii lagu guda jiray qorshe dowlada dalkaa ay ku dooneyso in ganacsatada yar yar looga burburiyo ganacsiyo wadooyinka hareerihiisa ku yaalla.

Rabshada ayaa waxa ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada qaabilsan Ilaalinta Nadaafada Deegaanka ay bilaabeen howlgal ay ku doonayeen inay ku baneeyaan wadooyinka ay ku ganacsanayen ganacsato yar yar.

Ganacsatada yar yar oo ka carootay howlgalka Booliska, ayaa bilaabay inay iska caabiyeen ciidamada Booliska, iyaga oo adeegsanaya dhagxaan iyo wax waliba oo gacantooda soo gala inay ku tuuraan Booliska.

Dowladda Hong Kong ayaa falkan cambaareeysay waxa ayna sheegtay in ay waratadu sameysay falal aad u xun maadaama ay baabi’iyeen gawaari Booliisku uu lahaa iyo hanti kale oo uu shacabku lahaa.

Waxaana ay dowlada dalkaa sheegtay in ay balan ku qaadeyso in cadaaladda la hor keeni doono dadkii ka dambeeyey qulqulatada halkaa ka dhacday.

Yau Siu­kei oo ah ku simaha taliyaha degmada Mong Kok, ayaa ku cambaareeyey dhacdadan koox yar oo fidna abuur ah.

Dalkaa kumaan dad ah ayey noloshoodu ku xirantahay macaashka laga helo cunnooyinka iyo dharka wadooyinka lagu gado, taas oo ciriiri badan ka abuurtay waddooyinka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Idale News Online, Hong Kong

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here