Dhageyso:Madaxa AMISOM oo beeniyay in Al Shabaab ay ku sugan yihiin Magaalada Marka

0
208

Muqdisho ( INO)-Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee AMISOM, Francisco Madeira  ayaa lagu beeniyay wararka ku aadan in Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Marka kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Ciidamada AMISOM.

Madaxa AMISOM, Francisco Madeira  ayaa sheegay in Saldhigooda ay dib u dhis ku wadaan,waxuuna sheegay in 1Km ay u jirto Saldhigii hore ee Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

“AMISOM marwaliba waxey ku dadaashaa sugida amaanka Shacabka, waxaanu ka wal walsanahay in lagu dul Dagaalamo Shacabka Reere Marka,” sidaasi ayaa lagu yiri Bayaankaasi ka soo baxay AMISOM.

Ugu dambeyn, Qoraalkaasi ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu xusay in Ciidamada Midowga Afriak kala shaqeenayaan Dowladda Soomaaliya ciribtirka Xarakada Al Shabaab iyo baahida falalka argagixiso oo ay ku tilmaameen kuwa khatar ku ah Xasiloonida Dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Marko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here