Marko(INO)— Xaalada magaalada Marka ayaa Saaka degan, kadib markii Shaley ay saacado is bedeshay gacan ku heynta magaalada, iyadoo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay habeenkii labaad ku hoyanayaan magaalada.
Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa galabta meel fagaare ah kala hadlay shacabka magaalada oo isugu soo baxay, kadib markii ay dib u riixeen ciidamadii deegaanka oo taageero ka helayay Ciidamada AMISOM.
Abuu Cabdalla ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada, isla markaana kula wareegeen gaadiid dagaal, isagoo xaqiijiyay in si buuxda gacantooda ugu jirto magaalada
Waxaa uu sheegay inay iska caabiyeen waxa uu ugu yeeray isku day fashilmay oo Ciidamada AMISOM iyo ciidamada kale ku doonayeen inay ku soo qaadaan sida uu hadalka u dhigay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, balse ay jirto cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo, maadaama ciidamada AMISOM ay dhinac kale magaalada ku sugan yihiin.
Dowladda Federaalka ayaa goor sii horeysay sheegtay inay la wareegtay magaalada Marka, hase ahaatee ciidamadii deegaanka ee la socday maamulka degmada ayaa markii dambe dib uga gurtay magaalada.