Marka(INO)— Gacan ku heynta guud ee magaalada Marka ayaa saacad saacad isu bedeleyso, kadib markii duhurkii maanta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.
Dhinacyada dagaalamay ayaa labo jiho ku kala sugan, waxaana xaalada guud ee magaalada tahay mid kacsan, jahwareer badana uu ka jiro.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay ku sugan yihiin dhanka koofurta magaalada, gaar ahaan halka lagu magacaabo Sarta Ayuub ee Xaafada Buulo Jaan, sidoo kale Ciidamo deegaanka ahaa oo horay u soo galay magaalada ayaa dib uga soo gurtay xaafadaha qaar.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin bartamaha iyo bariga magaalada, gaar ahaan halka lagu magacaabo dowladda Hoose, saldhiga iyo suuqa.
Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa saldhigoodi hore ee deegaanka Ceel-Jaalle ee afaafka magaalada ku sugan illaa wadada aada dhanka Shalanbood.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda aanay gelin magaalada, marka laga reebo Ciidamo deegaanka ahaa oo la socday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab dib ugu soo laabteen goobihii duhurkii laga saaray, isla markaana xaalada magaalada ay tahay mid aan deganeyn oo marba is bedeleyso.
Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose oo ah mid istiraatiiji ah ayaa leh Deked macmal ah, sanadkii 2012 ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-Shabaab oo muddo maamulayay.
Idale News Online,Marka