Daawo:Saldhig Booliska Soomaaliyeed Looga Furay Garoonka Aadan Cade

0
267

Muqdisho ( INO)-Barqanimadii maanta ayaa munaasabad ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ,Saraakiisha Booliska Somaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan  Cadde ee magaalada Muqdisho taasoo xariga looga jarayey dhismo cusub oo ah saldhiga booliska ee garoonka diyaaradaha oo uu hirgeliyey howlgalka AMISOM ee Somalia

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyed Jeneraal Maxamed Sheekh  Xasan Xaamud oo hadal ka jeediyey munaasabadaasi ayaa ugu horeyn waxa uu kaga mahadceliyay howlgalka Midowga Africa Somali  ee AMISOM sida ay mar walba  u garab taagan yihiin ciidamada Booliska Somalia isagoo xusay in ay si gaar ah ula shaqeeyaan Booliska Somalia.

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Amniga ee Dowladda Somalia Cabdinaasir  Maxamed Cali ayaa isagana amaan u jeediyey ururka Afrika sida ay dowladda Somalia kaga taageerto dhinaca tababarada Ciidamada booliiska Somaaliya iyo kala shaqeynta Amniga.

Ugu dambeyn ayaa waxaa halkaasi ka hadlay wakiilka midowga Afrika ee Somalia ahna madaxa howlgalka AMISOM  ee Somalia ambassador Francisco Madera ayaa sheegay in dhismaha saldhiga laga hirgeliyey gudaha garoonka diyaarada ee Aadan  Cade iyo qalabeyntiisa ay ku kacday adduun lacageed oo gaaraya 332,000 oo dollarka Mareykanka ah sidoo kale ay dhinacyo fara badan ay markasto ka taageeraan Booliska somaaliyeed.

20160206_101804 20160206_102028 20160206_102030 20160206_102033 20160206_102035

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here