Daawo:RW kuxigeenka oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka

0
208

Muqdisho(INO)—Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka ee Xukuumada.

Ujeedada kormeerkan ayaa aheyd markii dib u habayn balaadhan lagu sameeyay Wasaaradda Batroolka oo gabi ahaanba markii hore burbursanayd, waxaana dadaal dheer oo Xukuumaddu ka gashay ka dib u habayn lagu sameeyay.

Ra’iisal Wasaare ku- xigeenku Mudane Carteh wuxuu soo kormeeray dhismaha Wasaaradda Batroolka oo ka koobnaa dhisme saddex dabaq ah, loona qalabeeyay qaab casri ah,Waxaanu amaan iyo mahadcelin u jeediyay Wasiirka W/Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo shaqaalaha Wasaarada Batroolka oo xil weyn iska saaray hirgelinta dhismahan cusub.

“Horru-marka ka muuqda Wasaaraddu waxay ku tusaysaa waxqabadka Xukuumada mudadii yarayd ee ay jirtay iyo talaabooyinka hormar ee ay ku talaabsatay” sidaa waxa yidhi Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka DFS.

Kormeerkan uu Mudane Carteh ku tagay Wasaaradda Batroolku wuxuu ka mid yahay la xisaabtanka iyo dhiiri-galinta waxqabadka Dawladda, waxaanu Ra’iisal Wasaare ku –Xigeenku mar walba garab taagan yahay shaqooyinka iyo horu-marka guud ahaan wadanka ka socda.

batrool (3)

batrool (1)batrool (2)

 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here