Dhageyso+Sawiro:Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Koofurta dalka Taiwan

0
297

Taiwan(INO)— Dhul gariir xoogan oo cabirkiisu ahaa 6.5 magnitude ayaa ku dhuftay dalka Taiwan, kaasoo bur buriyay dhismayaal fara badan.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in dhul gariirkan ku dhintaan, waxaana dadka dhintay ku jiray gabar jirtay 10-maalmood kaliya.

Kooxaha gurmadka ayaa dad badan ka soo saaray dhismayaasha hoostooda, iyagoo sidoo kale gabar yar ka soo dhex saaray dhismo bur buray.

Dhul gariirka ayaa waxaa uu dumiyay illaa 17 dabaq oo ku yaallay xaafado ku dhow Caasimadda Taiwan ee Tainan.
In ka badan 200 oo qof ayaa laga soo bad baadiyay mid ka mid ah dhismayaasha sida daran u bur buray, waxaana

kooxaha gurmadka isku dayayaan inay gaaraan dhismayaal laga cabsi qabo inay dad ku xayiran yihiin.
Dowladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, waxaana gurmadka ku soo biiray Ciidamada Milateriga.

dhul-garir (1)dhul-garir (2)dhul-garir (3)dhul-garir (4)dhul-garir (5)dhul-garir (6)dhul-garir (7)dhul-garir (8)dhul-garir (9)

 

Idale News Online, Taiwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here